Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo Tababar loogu soo gaba-gabeeyay dalka Turkiga

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo Tababar loogu soo gaba-gabeeyay dalka Turkiga

daajis.com:-Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya ayaa tababar loogu soo gaba gabeeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Tiradaciidamadaan xoogga dalka ayaa lagu sheegay ilaa 110 askari, waxaana maalinti shalay ahayd uu tababar ugu gaba gaboobay magaalada Istanbuul ee dalka Turikiga,iyadoo tababarka uu socdao muddo 10 bilood ah.

Ciidamadan ayaa la baray waxyaabo badan oo aas aasi u ah ciidamo qaran sida uu sheegay taliyaha dugsiga tababarka ciidamada ee lugta  ee dalka Turkiga Col Nihat Aksut.

Waxa uu sheegay Col Nihat Aksut in ciidamadan ay qayb weyn ka qaadan doonaan isku xirka iyo xiriirka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Xaflad tababarka loogu soo xiray ciidamadaan ayaa waxaa shalay ka qayb galay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana uu danjiraha askartaan kula dardaarmay inay kaalin muuqata ka qaataan amniga dalka.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada