CUDURKA:- HIV AIDSKA OO DAWO LOO HELAY !!

CUDURKA:- HIV AIDSKA OO DAWO LOO HELAY !!

daajis.com:-Saddex carruur ah ayaa shaaca laga qaaday in laga daaweeyey viruska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka ka dib markii si kacdoon leh loogu daweeyey nooc cusub oo dawo ah saacado yar uun ka dib dhalashadooda. Waxaa jira ilmo afaraad oo heerka awoodda virusku uu aad u hooseeyo marki ayaguna la siiyey dawo la mid ah tan saddexdan carruur ay ku bogsoodeen.


Helitaanka dawadani cusub ayaa noqon doonta qodobka ugu weyn ee looga hadli doono kulanka bishan July 20keeda ilaa 25keeda lagu qaban doono magaalada Melbourne ee dalkaasi Australia, kaasoo looga hadli doono cudurka halista ah ee AIDS-ka. Saynisyahanada ayaa rajo weyn ka qaba in tani ay hirgali doonto.

Wali lama oga da’da ilmahan yar laakiin waxaa la filayaa in laga shaacin doono marka 14 kun oo ergo oo ka kala socda 200 oo dal ay isugu yimaadaan Melbourne si ay u wadaagaan horumar iyo cilmi baaris kuwii ugu dambeeyey ee quseeya HIV-AIDS.

La guddoomiyaha kulanka AIDS 2014 ayaa warbaahinta ugu sheegay Australia in inkastoo ay dad ku sifeeyeen tani Dawo, hadana aan wali si rasmi loo gaarsiin Karin heer Dawo.


“Haatan dhaqaatiirtu war kama hayaan haddii carruurtaasi ay dawoobeen iyo in kale. Arrinta kaliya ee ay sheegi karaan ayaa ah haddii ay joojiyeen viruskii HIV” ayey tiri Prof. Shaaroon.

“Aad baan ugu faraxsanahay maxaa yeelay afar carruur ah ayaa dhaqsaba la daweeyey markii dhasheen kadib, markii ay dhaqaatiirtu isku dayeen mar kale waa ay soo heli waayeen in virus ku jiro dhismaha jirka ee carruurtan.”.
“Dadka qaar laga yaabee 10% oo goor hore qaatay dawo ayaa hadda viruskoodu yahay mid la ilaalin karo.”.

“Si walbo ha ahaatee waa inaynu maanka ku heynaa in waddada kaliya ee carruurta looga daweyn karo HIV ay tahay in hooyada lala tacaalo xilliga ay uurka leedahay.” Ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay Prof. Shaaroon.

Ka dib markii viruska laga yareeyey hooyooyinka carruurtaasi , ayaa afarta carruur ee reer Canada waxaa la siiyey tan ama dosage aad u sarreeya oo dawoantiretroviral ah (waa dawo looga hortago retrovirus sida HIV).

Warka ku saabsan afarta carruur iyo arrintoodan guusha leh ayaa yimid sanad ka dib marki la shaaciyey ilmihi ugu horreeyey ee laga daweeyo HIV..

Ilmo ku dhashay Mississippi, USA sanadkii 2010, ayaa laga cirib tiray viruska 2013-kii.
Hooyada dhashay ilmahaasi ayaa ogaatay in ay qabto HIV markii ay usoo dhowaatay in ilmaha dhasho kolkaasoo ay ka gaari Karin in ay sameyso ficil ka hor tag ah oo caawin kara ilmaha aan dhalan ineysan qaadin HIV.


Dr Hannah oo associate professor ka ah University Of Mississippi qeybta cilmiga pediatrics  ee caruurta, kuna taqasusay HIV-ga ayaa siiyey saddex dawo oo antiretroviral ah markii ay 30 saacadood ifka joogeen.

29 cisho ka dib markii la baaray ilmahan reer Mississippi ah waxaa laga waayey wax virus HIV ah dhismaha jirkooda, wax dib ugu soo laabtayna ma jirin markii laga joojiyey dawadii dhaqtarku siinayey.


Si kastaba ha ahaatee afartan carruur ee reer Canada ee aan kor ku soo xusnay ayaan wali laga joojinin dawadii ayadoo dhaqaatiirtu aysan awoodin in ay go’aan ka gaaraan in virusku soo laaban karo iyo in kale haddii ay dawada ka joojiyaan.

isha:caasimada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada