Magaalada Muqdisho oo yeelatay Hoggaamiyo Kooxeedyo Cusub oo ka faracmay Dowlada hadda ka Jirta Dalka!!

Magaalada Muqdisho oo yeelatay Hoggaamiyo Kooxeedyo Cusub oo ka faracmay Dowlada hadda ka Jirta Dalka!!

daajis.com:-Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Saraakiisha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho ay ka dilaaceen Hoggaamiyo kooxeedyo cusub oo ka faracmay Xukuumada Somalia.

Hoggaamiyayaasha oo qeybo badan ka kooban ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka xilalka laga qaaday, Saraakiishii laga rusqeeyay Shaqada iyo Mooryaan kulabisan dareeska Ciidamada oo lagu taxay darajooyin, waxaana la sheegayaa inay yihiin kuwa qalqal galiya Ammaanka Muqdisho.

Hoggaamiyayaashaani ayaa iyagu wato shaatiyo Dowladeed, Ciidamo iyo Gawaari nooca ugu dambeeyay waxa ayna inta badan xiliyada habeenkii ku gaafwareegaan Xaafadaha qaar, iyagoona badi la sheegay inay wax ka Ogyihiin dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaan weli ku baraarugin Awoodaha hoose oo ka hoos shaqeynaayo, waxaana inta badan naas-nuujinaayo Saraakiil ciidan iyo weliba Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan DFS.

Dhanka kale, Weerarada, dilalka iyo Dhaca iminka ka dilaacay Magaalada Muqdisho ayaa iyagu ah kuwa salka ku haayo ku dheelida sumcada Dowlada, gaar ahaan waxa ay ku dheelayaan Ammaanka Degmooyinka. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada