Daawo Muuqaal :- Gabar Australin ah oo baabuur jiirsiisay ama ku dishay Nin Soomaali oo ku nool Australia!!

Daawo Muuqaal :- Gabar Australin ah oo baabuur jiirsiisay ama ku dishay Nin Soomaali oo ku nool Australia!!

daajis.com:-Gabar Australinaa ah ayaa waxaa la sheegay inay baabuur jiirsiisay ama ay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Australia ka dib markii uu muwaadinkaas Soomaalida uu damcay inuu wadad u gooyo dhanka kale.


Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Perth ee dalkaas Australia ayaa waxaa la sheegay inyy u geeriyooday shil baabuur ka dib markii ay baabuur marsiisay gabar u dhalatey dalkaas Australia xilli uu damacsanaa inuu wadada gooyo, Marxuumkaan oo lagu magacaabi jirey Ismaaciil Cabdi (AU) oo 52 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ka yimid dukaameysi asagoona ku sii jeeday gurigiisa oo aan wax sidaas ah ka fogeyn goobtaas markii uu ku dhacay shilkaas sababsaday nafsadiisa.


Ugu dambeyntiina iyadoo wali ay booliiska dalkaas Australia ay wali wadaan baaritaan ku saabsan sida uu shilkaas u dhacay ayaa waxaa la sheegay in gabadha sababtay shilkaas uu ku geeriyooday marxuumkaas Soomaaliyeed oo da'adeeda lagu sheegay 22 sano jir aysan heysan ruqsada baabuur wadida dalkaas Australia oo buuxda iyadoona ku jirtey waqtigeeda tijaabada ee baabuur wadida, Booliiska oo ay baaritoonkoodu qaadan doono mudo todabaad ah ayaa sidoo kale waxay baarayaan meydka marxuumkaas iyo sida uu u dhintey. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada