Daawo Sawirada:- Buundo kutaala mid kamid ah Magaalooyinka Koobka aduunka lagu ciyaarayo oo soo duntay sababtayna dhimasho

Daawo Sawirada:- Buundo kutaala mid kamid ah Magaalooyinka Koobka aduunka lagu ciyaarayo oo soo duntay sababtayna dhimasho

daajis.com:-Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay 22-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaartay kadib markii ay kusoo duntay Buundo dhismaheedu qabyo ahaa oo kutaala Magaalada Belo Horizonte ee Dalka Brazil.

Buundada soo duntay ayaa ku taala mid kamid ah Magaalooyinka lagu marti galinayo Koobka Aduunka ee xiligan kasocda Dalka Brazil , waxaana qorshuhu ahaa in dhismaha Buundadan la dhameeyo kahor inta uusan Koobka aduunka bilaaban .

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan ayaa xiliga ay buundadu kusoo dumeysay waxa ay marayeen Boondada hoosteeda , waxaana bur bur u geestay shilkan gawaari dhoor ah.

Buundada soo duntay ayaa labo mile qiyaastii waxa ay u jirtaa Garoonka Mineiro Stadium oo kamid ah Garoomada lagu ciyaarayo koobka aduunka oo si xiiso leh wali uga socda Magaalooyinka kala duwan ee Dalka Brazil.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada