Mareykanka oo shaaciyay in ciidamo Milateri si qarsoodi ah uga joogaan Soomaaliya

Mareykanka oo shaaciyay in ciidamo Milateri si qarsoodi ah uga joogaan Soomaaliya

daajis.com:-Miltariga dalka Mareykanka ayaa qiray inay ciidamo ka joogaan Somalia, kuwaa oo gacan siinaya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Amisom dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Afhayeen u hadlay Xarunta dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa u sheegay VOAda Khamiistii shalay in tiro xadidan oo isugu jira taba barayaal, la taliyeyaal iyo ciidamo ay Maretkanka ka joogaan Somalia.
Sarkaalkan u hadlay milatariga mareykanka oo la yirahdo Benjamin Benson ayaa sheegay in tirade guud ee askarta mareykanka ka joogta Somalia ay tahay mid kooban, wuxuuna sheegay inay koox koox uga howlgaleen meelo kala duwan oo Somalia ah.
Hadalkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan maamulka Obama ay tabisay in ilaa iyo 120 askari oo Mareykanka ah ay ka howlgalaan Somalia.
Warbixintu waxey sheegtay in ciidamadan Mareykanka ay Somalia ka howlgalayeen tan iyo sanadii 2007dii.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada