Daawo Sawirada:- Ciidamada dowlada oo dares la’aan heysata iyo Alshabaab oo meeley geeyan la dareeska

Daawo Sawirada:- Ciidamada dowlada oo dares la’aan heysata iyo Alshabaab oo meeley geeyan la dareeska

daajis.com:-Iyadoo ay Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia la il-darnaayeen Mushaar la’aan, daryeel la’aan iyo Caafimaad la’aan ayaa waxaa hadana intaa usii raacday dares la’aan.

Waxad arkeysaa Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo aan wadan wax Darees ah, halka Dagaalyahaanada Alshabaab ay ka wataan Darees noocii ugu dambeeyay.

Ciidamada Dowlada xiliyada aya la socdaan Madaxda ama ay joogan Xarumaha Dowlada, ayaa waxa ay yihiin kuwa aan badi ku labisneyn Darees wanaagsan, waxa ayna ishaadu qabaneysaa Ciidamo aan wadan dares ama kuwo ku labisan dares kala nooc ah, halka kuwa Xoogaga Alshabaab ay ka helaan dhar noocii ugu dambeeyay oo loogu talo galay Ciidamada Dowladda.

Alshabaabka joogo Gobolada Dalka ayaa waxa ay badi wataan dharka Ciidamada militeriga Somalia oo cusub, waxa ayna Su’aashu tahay Halkee laga bixiyaa? Maxaa hortaagan in la siiyo Ciidamada Dalka?

Dhanka kale, Saraakiisha Xoogaga Alshabaab ayaa dhowr jeer horay u sheegeen inay awood u leeyihiin inay helaan wax waliba oo khuseeya dhanka Dowlada Federaalka Somalia.

Alshabaab ayaa xunbo ku dhex leh gabi ahaan Laamaha Ammaanka iyo Xarumaha Dowlada Federaalka Somalia, taasi oo sahleysa in Alshabaab ay si fudud ku helaan wax waliba oo kasoo gala dhanka Dowladda.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada