Daawo Muuqaal:- Sanduuqa Madow ee Diyaaradii Malaysian Airlines oo lagu wareejiyay Dowlada Malaysia iyo Shaki jira

Daawo Muuqaal:- Sanduuqa Madow ee Diyaaradii Malaysian Airlines oo lagu wareejiyay Dowlada Malaysia iyo Shaki jira

daajis.com:-Xoogaga gooni ugoosadka ee ka dagaalanta Dalka Ukraine ayaa ku wareejisay Dowlada Malaysia Sanduuqyadii Diyaaradii Malaysian Airlines oo isbuucii hore lagu soo riday Gudaha Dalka Ukraine.

Madaxweynaha Jamhuuriyada La baxday Donetsk, ee bariga dalka Ukraine Andre Burgan, ayaa qubaro kasocotay Dalka Malaysia waxa uu ku wareejiyay labadii sanduuq ee Diyaaradii lagu oo riday Dalka Ukraine.


Sanduuqyada Madowda ee ku xirnaa Diyaarada Malaysian Airlinesayaa gacanta kaga saaray Quburo baareysa cida ka dambeysa soo rididii Diyaaradaasi oo la isku uur tuuray cida qaadaneysa Masuuliyada, waxaaa la rajeenayaa in ay soo fududaato baaritaanka marka ay qubarado baaraan xogaga ku qarsoon Sanduuqyadaasi.


Inta la xaqiijiyay 298-qof ayaa ku dhintay Diyaarada lagu soo riday dalka Ukranie, waxaana la tuhmayaa in Xoogaga Mucaaradka ee gacanta ka helaya Dowlada Ruushka in iyagu ay ka dambeeyeen soo ridista Diyaaradaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada