Daawo Sawirada:- Danjire Cali Americo oo ku guuleystay inuu isbitaal kasoo saaro gabar Somaliyed oo dhibaateysan

Daawo Sawirada:- Danjire Cali Americo oo ku guuleystay inuu isbitaal kasoo saaro gabar Somaliyed oo dhibaateysan

daajis.com:-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo ayaa ku guuleystay inuu isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ka soo saaro gabar Soomaaliyeed oo bishi April ka soo dhacday dabaq saddex biyaano xilli ay ka carareysay ciidamada Kenya.

Danjire Cali Americo ayaa gabadhan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Huda Cabdullaahi Nuur ku booqday Isbitaalka Nairobi East ee magaalada Nairobi, isagoona ku guuleystay inuu isbitaalka ka soo saaro.

Huda Cabdullaahi Nuur ayaa in muddo ah ku jirtay isbitaalka Nairobi East, iyadoo caafimaadkeedu wanaagsanyahay sababa la xiriira lacago uu ku yeeshay isbitaalka, taasoo qoyskeedu uu awoodi waayay inuu bixiyo.

Aabe Cabdullaahi Nuur Axmed oo ah aabaha dhalay gabadhan ayaa u mahad celiyay danjiraha dowladda Soomaaliya iyo inti gacan ka geysatay bixinta lacag dhan 5000 oo dooler oo ah lacag deeyn ah, taasoo gabadhiisa looga yeeshay isbitaalka Nairobi East ee dalka Kenya.

Huda Cabdullaahi Nuur ayaa 27-ki April ee sanadkan kasoo dhacday dabaq saddex biyaano ah, xilli ay ka dhuumaneysay ciidamada Kenya oo howlgallo ay dad ku xirxirayeen ka waday xaafadda ay Soomaalida ka degan tahay magaalada Nairobo ee Islii.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada