Daawo Sawirada:- R/wasaare ku xigeenka Somalia oo ka qayb galay shirka culumada Islaamka ee Turkiga

Daawo Sawirada:- R/wasaare ku xigeenka Somalia oo ka qayb galay shirka culumada Islaamka ee Turkiga

daajis.com:-Ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ka qayb galay shir ay yeesheen culumada islaamka dunida oo ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkaan oo ay ka qayb galayaan ilaa 32 dal oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Japan, Bossnia, Russiya, Bulgeria, Ciraaq iyo dalal kale ayaa waxaa looga hadlayaa joojinta dhigga ku daadanaya dalalka islaamka.

Inta uu socdo shirka ayaa xoogga lagu saari doono xal u helidda muslimiinta ku dagaalamaya dalka Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo shirka uu ka hadlay madaxweynaha Turkiga iyo Ra’isul wasaare Recep Tayyip Erdogan.

Ra’isul wasaare Recep Tayyip ayaa sheegay in xasuuqa Isra’il u geeysaneyso dadka reer Falastiin ay tahay wax  aan la eegi Karin islamarkaana aan gacmaha laga laaban doonin, isagooba baaq u diray Yahuudda inay ka waantoobaan islamarkaana joojiyaan arintaasi.

Shirkaan ay yeesheen culumada Islaamka ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo 19 ka July oo ku began maalinta berry ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada