Daawo Sawirada:- Dowladda oo soo bandhigtay ninkii ay habeen hore ku qabatay weerarkii madaxtooyo

Daawo Sawirada:- Dowladda oo soo bandhigtay ninkii ay habeen hore ku qabatay weerarkii madaxtooyo

daajis.com:-Sideedii bishaan oo ku beegan habeen hore waxay ahayd markii koox abaabulan oo Al-shabaab ka tirsan uuna hogaaminayay Horjooge Xasan ay isku dayeen inay gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya ka fuliyaan weerar Argagaxisanimo

waxaana weerarkaasi ay ku sheegteen inay doonayeen inay ku dilaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed Maxamed laakin iyagoon gaarin hadafkoodii ayaa waxaa fashiliyay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo lagu magacaabo Muqtaar kaas oo intii aysan gaarin bartilmaameedkoodii ka shakiyayhalkaana waxaa ka bilowday is rasaasayn sababtay in markiiba laga soo saaro halkii ay joogeen oo u dhaxaysay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda halka ay sida kmg ah u degantahay.

Maleeshiyadan Al-Shabaab ka tirsan waxay gaarayeen 4,3ka mid ah waxay wateen dharka ciidanka waxayna ku hubaysnaayeen Qoryaha AK 47 iyo Bam Gacmeedyo. Halka kan 4 aadna uu ahaa horjooge iyo fududeeye, waxaana ninka 4-aad oo isagoo nool la qabtay uu ahaa shaqsi laga yaqaano Madaxtooyada iyo aageeda taas oo u fududaysay inuu awood u yeesho inuu ka gudbiyo baraha wax lagu hubiyo Maleeshiyaadka uu waday ee Al-Shabaab ka tirsanaa Kadibna waxa uu dhagar-qabahan geeyay 3da Maleeshiyaadka ah ee hubaysan meel aan ka fogayn Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda.

Xasan waa Xubin muhiim u ahayd Kooxda Al-Shabaab waxaan maanta kula kulanay Xarunta Hogaanka Baarista ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka  Waxaana Xasan uu daaha ka qaaday lugtii uu ku lahaa Weerarkii Madaxtoooyo ee habeen hore, Weerarkii kan ka horeeyay ee isna sidan oo kale Madaxtooyo lagu soo qaaday’ Weeraro Qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay Hoteelada Makah Al-Mukarama, Oriental, iyo sidoo kale Weerarkii baarlamaanka.

Xasan oo aan marnaba laga shakin waxa uu qirtay in ku dhawaad 2 sano uu dhagrayay Ummadda Soomaaliyeed, Isla markaana uu wax badan ka qorsheeyay weeraro dhiig badan ku daatay, waxaana uu u muuqdaa inuu ahaa Farsamayaqaan u carbisnaa sahminta meelaha ay Shabaab wax ka fulinayaan, waxa u dheerayd oo Xasan qirtay inuu sidoo kale marka ay wax dhacaan kadib uga warbixin jiray Al-Shabaab khasaaraha ka dhasha qaraxyadda ay gaystaan.

Xasan oo ah Nin Dhalinyaro ah waxa uu si joogta sheegay inuu u siin jiray Al-Shabaab warbixinadda Madaxtooyadda Waxaana ka mida waxyaabaha uu sheegay inuu gudbin jiray Waqtiyadda Salaadaha lagu tukado Masaajidka Madaxtooyadda,  meelaha ay dhigtaan Baabuurta Wasiiradda, Dhaq dhaqaaqa Wasiirka Gaashaandhiga, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Xassan waxa uu ka soo jeedaa Qoys intooda badan ka mid noqday Kooxda Al-Shabaab, 2 ka mid ah walaalihiis waxay dhinteen iyagoo u dagaalamaya Al-Shabaab, Walaashiis ka yar Najmo waxay ka mid tahay Al-Shabaab, waxaana u dhaxa C/risaaq oo ah Horjooge ka tirsan Sirdoonka Al-Shabaab, isla markaana ah Shaqsiga uu ku xirnaa Xasan.

Xasan waxa uu watay Gaari Noha ah waxaana gaarigaasi u gaday Kooxda Al-Shabaab iyagoo sidoo kale Bil walba siin jiray lacag dhan 200U$. Taasoo ahayd waxa uu ku badalanayay dhagarta uu u maleegayay Ummadda Soomaaliyeed, Waxaana Xasan hadda la xiran aabihii oo isna su’aalo laga waydiinayo waxa uu ka ogaa Ilmihiisu waxay qaban jireen.



Xasan oo aan waqti ku wada qaadanay maanta hogaanka Baarista Nabadsugidda waxaan waydiiyay bal inuu isku arko inuu Dambi wayn galay maadaama uu soo maleegay weerar lagu soo qaado Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyo. Wuxuuna ku jawaabay “Qalad weyn ayaan galay waxaana dhahayaa qof kasta mabdi’iisa haku adkeysto”
Ugu dambayntii waxa Xassan weli kusocda baaritaano ku aadan qaabka falkan loo abaabulay iyo dadka kale ee la shaqeynayay.



XIGASHO: Radiomuqdisho


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada