War Deg Deg ah. Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay.

War Deg Deg ah. Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay.

daajis.com:-Qarax Khasaaro geystay ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Degmada Shibis ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa Gaari lagu soo xiray walxaha qarax, waxaana la sheegayaa in gaarigaasi uu lahaa Sargaal ka tirsanaa Hay’ada Nabadsugida Qaranka, hayeeshe waxaa lasoo warinayaa in xiliga qaraxa uusan Sargaalkaasi saarneyn gaariga.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Xarunta Degmada waxaana ku dhintay Qaraxaasi Seddex ruux halka tiro kalane uu kasoo gaaray Khasaaro.

Dadka dhawaca uu soo gaaray ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada Magaalada si gurmad caafimaad loogu sameeyo.

Dhanka kale, waxan Qaraxaasi weli ka hadlin Maamulka Degmada, wallow wararka nasoo gaarayo ay sheegayaan in xiligaani uu halkaasi ka socdo Baaritaano lagu xaqiijinaayo Ammaanka, waxa uuna qaraxaasi kusoo beegmayaa xilli Laba asbuuc ka hor qarax ceynkaasi ah uu isla degmada ka dhacay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada