Salaad Cali Jeelle :- Shabaab Meel kale haka raadin waxaa ku dhax jiraan Hay’adaha Dowlada Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle :- Shabaab Meel kale haka raadin waxaa ku dhax jiraan Hay’adaha Dowlada Soomaaliya.

daajis.com:-Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho horeyna xilal uga soo qabtay Dowladihii KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay amaanka faraha kasii baxaya ee Magaalada Muqdisho iyo Weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada.

Siyaasigan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amaanka Magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay , waxa uuna tilmaamay in raga Shabaabka ah ee falalka amaan daro wax kawada qaarkood ay ku dhax jiraan Hay’adaha Dowlada Dhaxdooda.

‘’ Shabaab meelkale haka raadin , waxa ay Shaqaalo badan ku yeesheen Hay’adaha Dowlada kuwaa oo u fududeeya in ay weeraraan meeshii ay doonaan xitaa Madaxtooyada, waana halis soo korortay oo qatar ku ah jiritaanka Dowlada ‘’ ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Waxa kale uu sheegay Salaad Cali Jeelle in Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay fashilantay uuna faraha ka baxay amaanka isagoona wax lala yaabo ku tilmaamay in markii labaad si sahal ah Madxatooyada lagu weeraray.
.
Hadalka kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle ayaa imaanaya xili amaanka Magaalada Muqdisho uu sii xumaaday ,habeen kahorna Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab weerar la qorsheeyay ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada