daajis.com:-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka dhacay duleedka
magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay dhimashi iyo
dhaawac.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda
qabaa’ilada Dir iyo Xawaadle waxaana la sheegaya inuu salka ku hayo
lahaanshaha dhul daaqsimeed.
Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa waxaa la dhigay ku dhawaad 17
ruux oo qabay dhaawacyo kala duwan iyadoo halkaasi lagu baxnaaninayo,
sida maamulka isbitaalka ay sheegeen.
Agaasimaha isbitaalka magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif
ayaa sheegay in shan kamid ah dadkaasi ay qabaan dhaawacyo halis ah,
isagoo cadeeyay in lagu sameeyay qaliin.
Sidoo kale wuxuu sheegay in 11 kale ay qabaan dhaawacyo aan weyneyn
ayna ku dadaalayaan caafimaadkooda, sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib marki mid kamid ah maleeshiyaadka
dagaalamaya ay dulaan ku qaaday maleeshiyada oo horay dagaal uu ku
dhexmaray deegaankaasi.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa inaysan wali
ka hadlin dagaalada kasoo cusboonaaday duleedka magaalada Beledweyne ee
gobolka Hiiraan.
Waxaa wali jirta xiisad iyo saansaan colaadeed oo ka taagan duleedka
magaalada Beledweyne iyadoo laga baqayo in markale uu dagaal ka dhaco
deegaanadii maanta lagu dagaalamay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:19 and have
, Published at