Daawo Video:- Argagax iyo kala Carar ka dhacay Goob Xaflad Aroos ay ku dhiganayeen Lamaanayaal Yahuud ah

Daawo Video:- Argagax iyo kala Carar ka dhacay Goob Xaflad Aroos ay ku dhiganayeen Lamaanayaal Yahuud ah

daajis.com:-Argagax iyo kala carar ayaa mar qura ka dhacay goob ay Xaflad Aroos ku dhiganayeen Lamaanayaal u dhashay Israa’iil, kadib markii Koodxa Xamaas ay gantaalo kusoo garaacday xaafad uu aroosku ka socday.

Xaflada Arooska lagu kala cararay ayaa ka dhaceysay magaalada xeebta ku taala Israel ee Haifa, waxaana la sheegay in Kooxda Xamaas ee fadhigeedu yahay Marinka Gaza ee dhulka Falastiin in gantaalo badan kusoo garaaceen Magaaladaasi .



Warbaahinta Israa’il ayaa shalay soo bandhigay Muuqaalo laga qaaday Goobta Xaflada Arooska uu kasocday oo mar qura dadkii ku sugnaa ay argagaxeen ayna bilaabeen in ay ka caraan Xaflada Arooska ay u yimaadeen in ay ka qeyb galaan.

Kala cararka ayaa bilowday kadib markii uu yeeray Dhawaqa kadiga Gantaalaha , waxaana xiligaasi kadib la arkay Madaafiic dul mareysa goobta xaflada aroosku ka socotay , waxaana lagu kala dareeray xaflada arooska iyada oon dhamaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada