Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Faransa oo isla gartay in la taageero ciidamada Soomaaliya

Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Faransa oo isla gartay in la taageero ciidamada Soomaaliya

daajis.com:-Madaxweyneyaasha Mareykanka Barack Obama iyo Faransiiska, François Hollande oo khadka Taleefanka ku wada hadlay ayaa isla gartay in ciidamada Soomaaliya ay u tababaraan si looga hortago weerarada Al-Shabaab ay ka geysaneyso gudaha Somalia iyo dalalka deriska.

“Qaaradda Afrika oo dhan laga soo billaabo Senegal illaa Soomaaliya waa in aan caawinaa,   waxaaa ka taageeri doonaa tababarka ciidamada, gaar ahaan Somalia oo si gaar ah xoogga u saarayno si looga hortago argagaxisada khatarta ku ah nabadda dalkaas,“ ayuu yiri Madaxweyne Obama.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla gartay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee al-qaacida.

Hadalka Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa kusoo beegmaya xili gudaha Somalia ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo si qarsoodi ah ugu howlgala, kuwaasi oo Mareykanku ku sheegay inay yihiin La-taliyeyaal iyo tababarayaal ciidan.


Mareykanka ayaa qaban qaabiyay shir ay ku kulmi doonaan Madaxweyneyaasha Africa qaarkood, kaasoo looga hadli doono halisaha kooxaha argagixisada ee Africa ka dagaalama, waxaana Somalia ugu qeybgeli doona MAdaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada