Daawo Sawirada:- Itoobiya oo heshiis la saxiixatay Dowladda Soomaaliya

Daawo Sawirada:- Itoobiya oo heshiis la saxiixatay Dowladda Soomaaliya

daajis.com:-Dowladdaha Itoobiya iyo Somalia ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis dhinaca iskaashiga waxbarashada kor loogu qaadayo.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in labada dal ee Somalia iyo Ethiopia iska kaashadaan waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sidiii ay dalkaasi waxbarasho ugu heli lahaayeen.

Wasiirka Waxbarashada iyo barbaarint Somalia Ciise Maxamed Guraase ayaa heshiiskaan dhinaca Somalia u saxiixay, halka Ethiopia uu u saxiixay Wasiirka Waxbarashada Demeke Mekonnen.

Waxaa dhawaan la faliyaa in uu bilowdo dhaqan galinta heshiiskan iyagoona ay ka shaqeyn doonaan guddiyo farsamo oo labada dal ay iska soo xuli doonaan.

Dowladda Ethiopia waxay ka mid tahay dalalka deriska ee Soomaalida u barakacay, waxaana dalkeeda ku nool Soomaali fara badan oo qiyaas go 'an aan laga hayn. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada