Sarkaal ka tirsan Dowladda oo lagu dilay qarax baabuurka loogu xeray

Sarkaal ka tirsan Dowladda oo lagu dilay qarax baabuurka loogu xeray

daajis.com:-Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Milateriga Somalia ayaa lagu dilay qarax miino oo gaariga loogu xeray, kaasoo ku qarxay xili uu marayay agagaarka isbitaalka Masaarida oo ku yaal meel aan ka fogeyn Tarabuunka.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Siyaad ayaa waxaa la sheegay in qaraxa oo ahaa nooca lagu xero gaadiidka in lagu rakibay kursiga darawalka hoostiisa, waxaana ku dhintay Sarkaalkaan oo Guutada Shanaad ee Milateriga u qaabilsanaa dhinaca saadka.

Waxaa sidoo kale ku geeriyooday hal askari oo ilaaladiisa ka tirsan, labana wey ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa qeyb ka ah kuwo si joogto ah maalmahan ugu dhacayay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu weeraray mas'uuliyiin iyo qaraxyo lagu rakibay gaadiid iskood u qarxay.

Dowladda Somalia ayaa awood u weyday inay ka hortagto qaraxyada iyo dilalka maalmahan sida taxanaha ah ugu dhacayay magaalada Muqdisho.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada