War Culus:- Golaha amaanka oo lagu dacweeyey Ganjab iyo Giyaajo

War Culus:- Golaha amaanka oo lagu dacweeyey Ganjab iyo Giyaajo

daajis.com:-Waa labo ganacsato oo Soomaaliyeed, waxa ay dulaal iyo malaal ka ahaayeen qorshe la sheegey in madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu ku doonayay in uu kula soo boxo hanta Soomaaliya kaga xayirneyd bangiyo caalami ah, haatan golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa loo gudbiyey labadani nin.

Muuse Ganjab oo ka mid ah raga ganacsatada ee la eedeeyey, ayaa waxa uu degenyahay dalka Koonfur Afrika halkaasi oo dhismayaal dhaadheer ku leeyahay magaalooyinka Johannesburg iyo Cape Town, isaga oo horey u degenaan jirey dalka Gabon, hawlo ganacsi oo uu la qaban jirey qof ka tirsan qoyska madaxweynaha dalkaasi.

Labadani ganacsato ayaanan ka jawaabin eedeymaha loo jeediyey oo ah in ay si sharci daro ah u doonayeen in ay ula baxaan hanta qaran.


Cabdicasiis Xassan Giyaajo, Muuse Ganjab iyo Fawsiyo Xaaji Aadan ayuu qorshuhu ahaa in ay boqolkiiba 2 % ka helaan lacagta marka lasoo saaro, taasi oo ahayd sababta ay Yusur Abraar isaga casishey guddoomiyenimada bangiga dhexe.

xigasho:-kismaayonews

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada