XOG:- Xabaalo qarsoodi ah oo lagu aasayo askarta Kenya ee Soomaaliya ku dhimata

XOG:- Xabaalo qarsoodi ah oo lagu aasayo askarta Kenya ee Soomaaliya ku dhimata

daajis.com:-Hogaamiyaha mucaaradka isbahaysiga CORD ee Kenya Raila Odinga waxa uu sheegey in uu ogyahay in askar badan oo Kenya looga dilo Soomaaliya lagu aaso xabaalo qarsoodi ah si buu yiri, shacabka looga qariyo tirakoobka dhabka ah ee askarta dhimatay.

Wuxuu dowladda Kenya ugu baaqay in ay shaacisio tirade rasmiga ah ee askarta Kenya kaga dhimatay Soomaaliya.

Isagoo xalay ka hadlayay munaasabad afur oo hogaamiyeyaasha Islaamka gobolka xeebta ay ku sameeyeen Kenya ayuu mar kale ku celiyey baaqiisa ah in Soomaaliya laga soo saaro ciidamada Kenya.


Dhanka kale mar uu ka hadlay weerarada ka dhacay gobolka xeebta ee dadka lagu laayay ayuu yiri “Waxaad dhahdeen siyaasad ayaa ku lug leh dilalka, haddii ay idinla tahay in aan aniga ka dambeeyo, kaalaya i xira, dowladda xaq ayay u leedahay in ay waajibkeeda gudato” ayuu yiri Raila oo ay hareero taagnaayeen barasaabka gobolka xeebta Xassan Joho iyo hogaamiyeyaal kale oo Islaam ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada