Daawo Sawirada:- Kooxda Real Madrid oo ku dhawaaqday in ay gacan siin doonta Ciyaartoy Soomaaliyeed

Daawo Sawirada:- Kooxda Real Madrid oo ku dhawaaqday in ay gacan siin doonta Ciyaartoy Soomaaliyeed

daajis.com:-Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle oo booqasho kutagay Dalka Spain ayaa booqday Garoonka Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid halkaas uu kula kulmay masuuliyiin ka katirsan kooxdaasi.

Mr Beyle ayaa intii uu joogay Garoonka kubada Cagta ee Bernabeu Stadium waxa uu soo indho indheeyay qeybaha kala duwan ee garoonkaasi , waxa uu sidoo kale tagay qolka labiska ciyaaroyda ay ku xareesnaayeen Funaanadaha Ciyaartowda Real Madrid.

Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya oo manta Magalaada muqdisho kusoo laabtay ayaa sheegay in uu a kulay Masuuliin katirsan Kooxda Kubada cagta ee Real Madrid ayna u balan qaadeen in ay gacan ka siiso dhinaca tababarada Ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya ayaa noqonaya mid dareen farxadeed ku beeraya Ciyaartoyda Soomaaliyeed oo u baahan tababar caalami ah waasa hadii uu dhaboobo hadalka Wasiirka Arimaha Dibada.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada