DAAWO SAWIRADA:- Maroodi muddo 50 sano ah katiinad ku xirnaa oo nolol cusub u bilaabatay

DAAWO SAWIRADA:- Maroodi muddo 50 sano ah katiinad ku xirnaa oo nolol cusub u bilaabatay

daajis.com:-Maroodiga magaciisa la yiraahdo Raju ayaa farxad la ooyay kadib markii laga furay katiinado uu ku xirnaa muddo konton sano ah iyadoo u bilaabatay haatan nolol cusub.
Xilli saq dhexe ah 4tii bishan ayaa waxaa maroodigan laga soo badbaadiyay dad u haystay in ay lacago ugaga urursadaan dadka wadada maraya. Maroodigan ayaa lagu hayaa xarun 350 mile u jirta halka uu mudada kontonka sano ahayd ku xirnaa halkaa oo lagu xanaaneeynayo.
Waxaa uu maroodigan haatan la nool yahay Phoolkali oo sidoo kale muddo labo sano laga joogo la soo badbaadiyay. Phoolkali ayaa habeenkii loo keenay Raju waxaa uu wax ka siiyay cashadiisii habeenkaas oo ka koobnayd cambo,moos iyo buskud.
Hase ahaatee madax kooxdan soo badbaadisay Raju ayaa waxaa ay sheegeen in uu maroodigan uu ka baxay aaminaada aadanaha. Kooxdan ayaa waxa ay haatan ka daweynayaan maroodiga nabaradii ka soo gaaray lugaha ee mudada kontonka sano ahayd uu u xirnaa.
Urur samafal oo dhinaca xayawaanka ka shaqeeeya xaruntiisuna tahay magaalada London oo soo badbaadiyay maroodigan ayaa bilaabay in ay u ururiyaan lacag gaareysa £10,000 si loogu xanaaneeyo maroodigan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada