Daawo Sawirada:- R/Wasaaraha oo Fariin u diray Xildhibaanada kuna baaqay todobaadka Kacdoonka Soomaaliya

Daawo Sawirada:- R/Wasaaraha oo Fariin u diray Xildhibaanada kuna baaqay todobaadka Kacdoonka Soomaaliya

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirradda ayaa maanta ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen 726 Sarkaal oo ka kala socda laamaha kala duwan ee Ciidamadda Booliska oo ka dhacay xarunta dugsiga tababarada Booliska ee Jeneraal Kaahiye, ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Caasimadda Muqdisho.

Ugu horrayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidamadda Booliska oo kala hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiisha hoggaanka iyo laamaha degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, waxayna tilmaameen inay jiraan falal amniga liddi ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray Ramadaanka.

Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Siciid “Saacid” oo khudbad ka jeediyay shirkii maanta ayaa ku dheeraaday dadaallada kala duwan ee lagu sugayo ammaanka Caasimadda dalka ee ay wadaan Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in la howl-geliyay Barnaamijka isku-xirka Booliska iyo Bulshada, ( Community Police), isagoo ka codsaday shacabka degmooyinka gobolka Banaadir in ay gacan siiyaan Ciidamadda Ammaanka si looga guuleysto kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga ahna ku simaha Wasiirka Ammaanka Qaranka, mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, oo dhankiisa shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan yahay mid todobaadle ah isla markaana ay ku kala warqaataan saraakiisha ciidanka Booliska, waxaana uu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha ka soo qayb galkiisa kulankaan muhiimka ah.

“Mudane Ra’iisul Wasaare shirkani waa mid ay ku kala warqaataan saraakiisha, ujeedkiisu waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, waxaana kaa codsanaynaa in gacan la siiyo ciidanka sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarada Booliska oo laf-dhabar u ah ammaanka iyo kala dambeynta dalkeenna” ayuu yiri ku simaha Wasiirka Amniga Qaranka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay falalkii u dambeeyay ee kooxaha Nabad-diidku geysteen, gaar ahaan dilkii Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo uu tilmaamay inuu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray laamaha ammaanka ee ka howlgala Caasimadda Muqdisho inay dar-dar geliyaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan howlgaladooda si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Nabadiidka, waxaana uu yiri “ ugu horrayn waxaan tacsi u dirayaa dadkii naga dhintay iyagoo waajibaadkooda gudanaya ee u dambeeyeen Xildhibaan Xayd iyo askartii kalaba, dhibaatooyinka cadowga ee ugu dambeysay dhacdadii fashilantay ee maanta waxay tulaase u yihiin dhagarta ay dadkeenna sharafta badan la maagan yihiin, shacabka Soomaaliyeed waxaana u sheegayaa dalkeenu inuu dagaal kula jiro cadow soo duulay waa inaan si wadajir ah u wajahnaa ka hortaga cadowgaas” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhinaca kale farriin u diray Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in Baarlamaanka looga fadhiya iney meel mariyaan sharciga la dagaalanka Argagixsada si dowladdu awood ugu yeelato in ay isticmaasho awoodo dheeraad ah oo cadowga looga hortagayo, waxaana uu dhinaca kale ku baaqay Ra’iisul Wasaaruhu todobaadka Kacdoonka Soomaaliya oo isku soo baxyo lagu muujinayo dhibaatada Nabad-diidka lagu qaban doono degmooyinka Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com












Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada