Daawo Sawirada:- Sheekh Cali Dheere oo Isaga Ilmeenaya Khudbad ka jeediyay Masjid kuyaala Magaalada Baraawe

Daawo Sawirada:- Sheekh Cali Dheere oo Isaga Ilmeenaya Khudbad ka jeediyay Masjid kuyaala Magaalada Baraawe

daajis.com:-Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali dheere) oo shalay salaadii Jimcaha ka dib boqolaal dad weyne ah kula hadlay masjid ku yaala degmada Baraawe ayaa si dareen iyo qiiro eh uga hadlay xasuuqa Yahuudu ku hayso shacabka reer Falastiin.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in mudada sadexda todobaad ah ee uu socdo weerarka Gaza ay Yahuudu ku dishay in ka badan 700 oo ruux kuwaasoo u badan caruur iyo haween aan waxba galabsan.

Wuxuu tilmaamay in xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin ay ka wada qeyb qaadanayaan gaalada oo dhan isagoo tusaale usoo qaatay askar Mareykan ah oo sheegay iney ka garab dagaalameyaan Yahuuda.

Isagoo la ilmeynaya waxa ku dhacaya muslimiinta Gaza ayuu ku eedeeyey dalalka carabta ee dariska la ah Falastiin iney daawanayaan gumaadka lagu hayo walaalahood, xuduudahana uga xirteen, isagoo arintaasna sabab uga dhigay cadaadis uga yimid Mareykanka oo u diiday ayuu yiri inaaney garab istaagi karin walaalahood.

Dadka muslimiinta ah ayuu u sheegay inaan lagu qaldin Qaramada midoobay oo uu xusay ineysan ku sifeysneyn magaca ay wadato, balse ay difaacdo gaalada caalamka, wuxuuna tusaale u soo qaatay sida ay ugu deg degto marka ay dhibaato ku dhacdo dalalka aan muslimka aheyn iyagoo buu yiri dhinaca kale iska daawaneya xasuuqa iyo dulmiga lagu hayo muslimiinta caalamka gaar ahaan reer Falastiin.

Afhayeenku ayaa ugu baaqay dadka muslimiinta ah iney u diyaar garoobaan sidii loogu aargudi lahaa shacabka reer Falastiin ee xasuuqa aan kala sooca laheyn uu ku socdo.

"Yahuudu waxay isku baahisay caalamka, meel walba ayuu yaallaa dhaqaalaheeda, sidaa darteed waa in muslimiintu goob walba ku beegsadaan dhaqaalaheeda iyo muwaadiniinteeda ayna baabi’iyaan” ayuu yiri’ Shiikh Cali Dheere oo muslimiinta ugu baaqay iney u duceeyaan walaalahood.

Afhayeenka ayaa sheegay in Soomaalida ay ku waano qaadasho ugu sugan tahay xasuuqa Yahuudu ku hayso walaalaha reer Falastiin, maadaama buu yiri Soomaaliya ay duullaan ku joogaan ciidamo shisheeye ah oo uu sheegay in Yahuudu gadaal ka taagan tahay.

“Ummada Soomaaliyeed haddii aysan maanta kicin oo aysan iska dul qaadin gaalada ku soo duushay waxay barito dhaxal u yeelan doonaan waxa ku dhacaya shacabka Falastii” ayuu yiri Shiikh Cali dheere afhayeenka guud ee Al-shabaab.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada