Daawo Video:- Dhalinyaro ku labisan dareeska Xamaas oo Koonfur Afrika lagu soo bandhigay

Daawo Video:- Dhalinyaro ku labisan dareeska Xamaas oo Koonfur Afrika lagu soo bandhigay

daajis.com:-Dibad baxyo waa weyn oo shalay ka dhacay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo bandhigay dhalinyaro yar yar oo sida gantaallo una lebisan sida Ururka Xamaas, iyadoona dibad baxyadaan looga soo horjeeday xasuuqa Isra'il ee Gaza.

Inta uu socday dibaxbaxyadaan ruxay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo bandhigay dhalinyaro yar yar oo loo ekeeysiiyay dhalinyarta Xamaas ee dagaalka kula jira Isra'il, waxaana ay garabka ku sideen qoryaha gantaallada fudud ee garabka lagu qaado.

Dadka dibad baxayay oo kumanaan kun ahaa ayaa codsanayay in la joojiyo xasuuqa ay Isra'il ka wado Qaza, waxaana ay sidoo kale ku baaqayeen in si deg deg ah safaaradda Isra'il ee Koonfur Afrika dalka looga saaro.

Dibad baxyada looga soo horjeedo Isra'il ee Koonfur Afrika ka dhacaya ayaa sii kordhaaya, iyadoo madax ka tirsan xisbiyada dalka Koonfur Afrika ay dowladda u jeediyeen in Safaraadda Isra'il ee koonfur Afrika si deg deg ah loo xiro, si Israil ay u joojiso xasuuqa Qaza.

Qoryaha ay garabka ku sideen dhalinyartaan yar yar ayaa waxaa afka hore looga qoray caasimadda Isra'il ee Tel Aviv oo loola jeedo inuu gantaalka halkaasi ku dhacaayo.

Muslimiinta ku nool Koonfur Afrika ayaa ah kuwa ugu muuqaalka badan ka hadalka dhibaatada Muslimiinta.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA:


http://video.daajis.com/2014/07/daawo-video-dhalinyaro-ku-labisan.html


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada