Digreeto ka soo baxday xafiiska madaweynaha oo lagu magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaweynaha oo lagu magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka

daajis.com:-Waxaa maanta la magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, kadib digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Digreetada lagu magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahir ayaa u qornaa sidatan:

Xeer Madaxweyne Magcaabis Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya markii uu arkay qodobka 87-aad XC, qodobka 9-aad ee XK iyo 99-aad XG ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markuu arkay soo jeedinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya RF XRW/DK/000170 Tr 24-07-2014, markuu tixgeliyey go’aankii golaha Wasiirrada FHGW.000.39.07. 14 24-07-2014, Kuna saabsan ansixinta magcaabista xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xilka qaadista xeer ilaaliyihii hore ee uu golahu cod buuxa ku ansixiyey, Madaxweynuhu wuxuu soo saaray xeerkan.


1- Waxaa laga bilaabbo maanta oo ay Tr tahay 26-07-214, xilka laga qaaday xeer illaaliyihii guud ee hore, Cabdiqaadir Maxamed Muuse, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ansixiyey magcaabista in uu Mudane Axmed Cali Daahir noqdo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

2- Waxa xeerka si deg  deg ah markuu Madaxweynaha Saxiixo, waxaa lagu soo daabici doona faafinta rasmiga dowladda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada