Daawo Sawirada:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Eng. Hassan Hamza .

Daawo Sawirada:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Eng. Hassan Hamza .

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha cusub Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza .

Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya ,Xoojinta,horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh , dib u furidda safaaradda cusub ee Dowladda Qatar ay ku yeelaneyso Caasimadda Muqdisho iyo qodobo kale .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza guul iyo xil gudasho ammaan leh .

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka Qatar oo soo taxanaa muddo dheer .

Dowladda Qatar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya , waxa ayna caawinaad iyo kaalmo bani’aadanimo xilliyo kala duwan ugu deeqday qoysas saameeyay abaaro oo ku kala nool deegaano ka kala tirsan gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya , iyadoo gargaarkaasi bani’aadanimo ay fuliyeen hey’adaheeda samafal ee ka howlgala dalka .



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada