Daawo Sawirada:- Xildhibaanada iyo Waxgaradka Hawiye oo kasoo horjeestay in Gobolka Sh/Hose la raaciyo Baydhabo

Daawo Sawirada:- Xildhibaanada iyo Waxgaradka Hawiye oo kasoo horjeestay in Gobolka Sh/Hose la raaciyo Baydhabo

daajis.com:-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan balaaran oo looga soo horjeeday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Qorshaha ay Dowladu ku dooneyso in Gobolka Shabeelaha Hoose ku hoos geeyso Magaalada Baydhabo.

Kulanka Waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar anaa kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye,Waxgarad , Aqoonyahano ,Dhalinyaro iyo Haween dhamaan ku abtirsada Beelweynta Hawiye.

Qeybaha kala duwan ee bulshada kulankaasi kasoo qeyb gashay ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay Qorshaha ay Dowlada Soomaaliya Gobolka Shabeelaha Hoose ku hoosgeyneyso Magaalada Baydhabo iyo xubno Guddi ah oo loogu tala galay socod siinta maamulka Farqaha la heesto ee Koonfur Galbeed oo dhawaan Dowladu magacawdo.

Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac oo hadal ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay in Xildhibaanadooda iyo iyaga aysan marba qaadan doonin in Gobolka Sh/Hoose la hoosgeeyo Magaalada Baydhabo , waxa uuna tilmaamay bulshada ay wakiilka ka yihiin in gabi ahaan arintaasi kasoo horjeedaan.

‘’Dowlada waxaan ugu baaqayaa in ay joojiso waxyaabaha dhalin kara colaada iyo iska horkeynka dadka wadadaga, Gobolka Sh/Hoose, waxaan u sheegayaa Madaxda Dowlada in dadka Dega Sh/Hoose ay diideen damaciina guracan , Baydhabo in Shabeelaha Hoose la hoos geeyo waan diidnay, Xubnaha ay Dowladu iska qoratay ee kasoo jeeda Beesha Hawiye maahan kuwa matala dadkooda ‘’ ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac.

Waxaa Sidoo kale Kulanka ka hadlay Xildhibaan Cumar Maxamuud Finish oo isna si weyn uga soo horjeestay Aqoonsiga ay Dowladu aqponsatay Maamulka Koonmfur Galbeed, waxa uuna gabi ahaan sharci daro ku tilmaamay jiritaanka Maamulkaasi ,isagoona ugu baaqay Madaxda Dowlada in ay joojiyaan iska horkeenka Bulshada.

Gabagabadii Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay Waxgaradkii iyo Haweekii Kulanka kasoo qeyb galay kuwaa oo dhamaantood cadeeyay in ay kasoo horjeedaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxa ayna cadeeyeen in aysan marnaba aqbali doonin in Gobolka Sh/Hoose Baay iyo Bakool la raaciyo.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada