Ku Dhawaad 10 qof oo Ku Dhimatay Weerar Kenya Ka Dhacay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Ku Dhawaad 10 qof oo Ku Dhimatay Weerar Kenya Ka Dhacay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

daajis.com:-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay gudaha Kenya kaasi oo sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah. 

Saraakiisha booliska ayaa sheegaya in dhimashadu korortay oo ay gaartay 7 qof waxaana laga yaabaa in dadka qaar ay udhintaan dhaawacyo halis ah oo soo gaaray.

Weerarkan oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuu ka dhacay deegaanka Witu oo hoos taga degmada Lamu ee xeebta kulaasha.

"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay howlgal guuleystay ka fuliyay gudaha dalka Kenya waxayna ku dileen dad ku dhaw toban qof,mujaahidiintu markii ay howlgalkooda kusoo dhamaysteen ayay si nabad gelyo ah ugusoo laabteen halkii ay ka duullaan tageen”ayuu yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka XSHM ayaa baahisay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo gaar ah oo Mujaahidiinta katirsan.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in weerarku uu qabsaday gaari bas ah oo ku socdaalayay meel ku dhaw Lamu,ammaanka Kenya ayaa sanadadii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay tan iyo markii ay Kenya duullaanka ku qaaday dalka soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada