Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah Xilkii loogu wareejiyay

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah Xilkii loogu wareejiyay

daajis.com:-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad kooban oo uu xilka ku wareejinaye Taliyahii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal C/xakiim Saciid Saacid, waxaana xilka la wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta School Polozio, waxaana kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya, Saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka socotay ciidamada Booliiska Amisom.
 
Kahor inta aysan bilaaban xaflada ayaa waxaa kulan gaar ah ah yeeshay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska, lama oga waxyaabaha ay kawada hadleen Saxaafadana xog kama aysan helin.
 
Xaflada xilwareejinta marka ay soo dhamaatay ayaa Waxaa Saxaafada la hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliyeed Ibraahin Isaaq Yaroow oo sheegay in maanta kadib Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu yahay Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil oo xilkaasi si rasmi ah loogu wareejiyay.
 
Wuxuu kaloo sheegay in Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed in uu kusoo shaqeeyay Duruufo kala duwan, shaqooyinka Qaranka uu uqabtayna ay uga mahadcelinayaan.
 
Ugu dambeyn Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayuu ka rajeeyay inuu la imaan doono waxqabad muuqda oo ku aadan shaqooyinka Ciidanka Booliiska.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa July-9-2014 wuxuu Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed u magacaabay Maxamed Xasan Ismaaciil.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada