Daawo Video:- Wadamada Carabta oo wali wax cun kujira iyo qaar kamid ah Wadamada Yurub oo dibad baxyo lagu taageerayo Falastiin laga dhigay

Daawo Video:- Wadamada Carabta oo wali wax cun kujira iyo qaar kamid ah Wadamada Yurub oo dibad baxyo lagu taageerayo Falastiin laga dhigay

daajis.com:-Waxaa Wali sii socda Duulaanka Gardarada ah ee Yahuuda Israa’il ku heyso Dhulka Reer Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza ay ka wadaan duqeymo arxan daro ah ay ku dileen dadku dhaw 1,000-qof oo u badan dad Shacab ah.

Wadamada Carabta ayaan wali muujin dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan Duqeynta naxariis darada ah ee Israa’il ku xasuuqeyso Maatada Reer Falastiiiin , waxaana meesha ka maqan doorkii wadamada carabta looga baahnaa u gar gaarida Walaalahooda dhibaatadu ku habsatay.

Qaar kamid ah wadamada Reer Galbeedka gaar ahaan Dalka Ingiriiska waxaa marar kala duwan ka dhacay Dibad baxyo waa weyn ay dhigayaan dadyowga dalkaasi , dibad baxyada ayaa ah kuwa looga soo horjeedo Xasuuqa ay Israa’il ka geesaneyso Gaza.



Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Reer Galbeed ayaa u muuqda kuwa aan uga hadlin sidii la rabay duulaanka gardarada ahee wali lagu hayo Shacabka Magaalada Gaza , dhimashada dadka Reer Falastiin ayaa ku dhaw 1,000-qof halka Yahuuda dhankooda laga dilay dad ka badan 50-qof oo isugu jira shacab iyo ciidan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada