Garoonka Baladweyne oo Albaabada leysugu dhuftay iyo Ciidamada Dowlada AMISOM oo heegan buuxa la galshay.

Garoonka Baladweyne oo Albaabada leysugu dhuftay iyo Ciidamada Dowlada AMISOM oo heegan buuxa la galshay.

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Baladweyne, ayaa sheegaya in Saacado ka hor albaabada loo xiray garoonka diyaaradaha Baladweyne.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiritaanka Garoonka uu ka dambeeyay ka gadaal markii Maamulka Gobolka uu shaaciyay in Ammaanka Gobolka uu faraha kasii baxaayo, islamarkaana ay suuragal tahay in laga dhex fuliyo falal la xiriira qalqal galin dhanka Ammaanka.

Xog ay heleen Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda Alshabaab ay damacsan tahay inay weeraro ismiidaamin ah ku qaado Garoonka Diyaaradaha.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa waxa ay sheegen xiritaanka Garoonka uu qeyn ka yahay Dagaalada ka taagan Deegaanka deefow waxa ay intaa ku dareen in la xakameyn waayay ciidamada Dawlada fedaraalka soomaliya ee ku biiraya dagaalka qabaa ilka ee ka taagan Hiiraan.

Dhanka kale, Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in maamulka Gobolka hiiraan ay ka gaabiyeen xakameynta ciidanka goblka in ay ku lug lahaadeen dagaalada Beelaha dhaxmaraya waa tan kentay in laxiro garoonka diyaaradaha.

Ammaanka Magaalada Hiiraan iyo Garoonka ayaa aad loo adkeeyay waxaana lasoo sheegayaa in inta badan wadooyinka Hiiraan lagu daadiyay Ciidamo isugu jiro Somali iyo Jabuutiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada