R/wasaaraha Dalka oo laga la’yahay Xafiiskiisa iyo shaki dhanka Ammaanka oo soo foodsaaray Rw.

R/wasaaraha Dalka oo laga la’yahay Xafiiskiisa iyo shaki dhanka Ammaanka oo soo foodsaaray Rw.

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno dhanka Xafiiska R/wasaaraha Dalka C/weli Sheekh, ayaa sheegaya in maalmahaani RW laga la’yahay Xafiiskiisa, kagadaal markii uu soo foodsaaray shaku ku aadan dhanka Ammaanka.

R/wasaaraha ayaa waxaa la sheegayaa in inta badan uu howlihiisa ku qabto xafiiso aan kuwiisa aheyn, isagoona adeegsanaayo nidaam ka duwan kii looga baeray maadama uu ka bad-baaday weerar lala damacsanaa in lagu Kharijiyo.

Sidoo kale, waxa uu RW lumiyay xiliyadii looga bartay imaanshaha Xafiiskiisa, isagoona wax badan ka bedelay Ciidamadii ilaalada u aheyd, kadib markii ay xumaatay Siyaasadihii kala dhexeeyay Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta ku xiran Xassan ee ka caawiya dhanka Siyaasada.

RW ayaa iminka galay Jawi ka duwan kii lagu magacaabay, waxaana iminka muuqaneysa in Xassan iyo C/weli uu ka dhex curanaayo Khilaaf ku saleysan dhanka Siyaasada iyo Shakiyo muujinaayo weerarkii lala damacsanaa RW, taasi oo ifafaalo u noqoneysa damaca Madaxweyne Xassan uu ku doonaayo inuu ku maamulo gabi ahaan dalka Somalia wallow Madaxda qaar ay Xassan u arkaan ruux kali talis ah.

Dhanka kale, R/Wasaare C/weli Sheekh ayaa isagu aan ku qanacsaneyn hab dhaqanka Madaxweynaha Dalka oo inta badan ka talaaba shaqooyinkiisa islamarkaana Jecel inuu qaabilo Siyaasi waliba oo dalka soo booqdo, haba ugu badnaaden Xildhibaano iyo Siyaasiyiin aan u qalmin in Xassan uu qaabilo ama kusoo dhaweeyo garoonka taasina waxa ay ka turjumeysaa in Xassan uu ka weecanaayo Nidaamka Diplumaasinimo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada