Indha Cadde oo u xusul duubayo inuu Taliyaha Madaxtooyada..

Indha Cadde oo u xusul duubayo inuu Taliyaha Madaxtooyada..

daajis.com:-Saacado kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya Col. Axmed Maxamed Af-caddeey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” uu u xusul duubayo sidii uu u hoggaamin lahaa ururka Madaxtooyada Somalia oo la filayo in hadda la gaarsiiyo ilaa Hal Guuto.


Taliyaha Xoogga dalka Somalia Jen. Dahir Indha Qarshe ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Madaxtooyada, waxaana si KMG ah loogu magacaabay Kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo Gaashaanle Duraan. Waxaa sidoo kale xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxii Keydka hubka Madaxtooyada Col. Garabeey, waxaana lagu badalay sarkaal la yiraahdo Col. Cosobow.


Waxaa jira qorshe ku aadan sidii Taliyaha Madaxtooyada loogu magacaabi lahaa Sarkaal heysta darajada Jeneraalnimo, isla markaana ciidamada Madaxtooyada loo gaarsiin lahaa Hal Guuto, taasoo ku kaliftay Taliyaha Xoogga dalka inuu bilaabo wadatashiyo ku aadan Jeneraalkii loo magacaabi lahaa Madaxtooyada.


Yuusuf Indha Cadde ayaa ka mid ah dadka u ololeynayo in xilkaasi loo magacaabo, waxaa kaloo jira Saraakiil kale oo haysta darajada Jeneraalnimo oo loolaankaasi ku jiro.


Isbadaladan lagu sameeyay Hoggaanka taliska madaxtooyada ayaa ka danbeysay weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday Hebeenimadii Tallaadada, lana xoojiyo ciidamada ilaalada aqalka Madaxweynaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada