Sawiro+Qoraal Turjuman:- Dowlada Canada oo Baadi goob adag ugu jirto Taliyaha Cusub ee Ciidamada Boliska Somalia ..

Sawiro+Qoraal Turjuman:- Dowlada Canada oo Baadi goob adag ugu jirto Taliyaha Cusub ee Ciidamada Boliska Somalia ..

daajis.com:-Qoraal ay soo saartay Hey’adda (Canada Border Services Agency) ee dalka Canada, ayaa waxaa lagu sheegay in Hay’adda ay baadi-goob ugu jirto Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Dowlada Canada, ayaa waxa ay qoraalkeeda ku cadeysay in Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somalia Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil uu yahay Dagaal ooge ay raadineyso Dowladda Kanada iyo Booliska Dalkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Taliyaha uu kamid yahay 30-Ruux oo la aaminsanahay in ay yihiin danbiilayaal dagaal oo ka hor yimid Bina’addanimada sida warbinta Hey’addasi lagu yiri.

Vic Toews oo ah Waziirka badbaadada bulshada ee xukuumada Toronto, ayaa shegay in danbiilayaasha ay dareemayaan cadaasi xoogbadan oo kaga imaanayan Hay’adaha Ammaanka Canada waa sida uu hadlka yiri maalintii arbacada aynu soo dhaafnay.

Hey’dda CBSA,ee dalka Canada.ayaa sidoo kale shegtay in dadka labaadi gobaya,uu kamid yahay nin 57-jir ah,oo asalkiisa ka yinid dalka Guatemala,iyo taliyaha cusub ee ciidanka,Police-ka ee dowlada dhawaan ay umagacaawday xilika.

Warbixinta ayaa sidoo kale cadeyneysa in goor sii horeysay la xiray lix ruux oo ka soo muuqday wargeys-ka soo baxa dalka Canada oo lagu sheegay in ay yihiin dabiiliyaal,halka todobo kalena,la qabto oo ay ku jiraan xabsi ay leeyihiin ciidanka dowladda mareykanka,iyadoona labo ruux oo lagu sheegay danbiiliyaal laga soo dhoofiyay dalka Canada.

Waxaaa kaloo ay warbinta Hey’adda ay ku doodeysaa in Manuel De La torre Herrera 57,lagu celiyay dalka Peru,iyo Cristobal Gonzales Rimirez,oo isna 44 jir loo celiyay dalka Honduras,kuwaasoo dhamaantooda lagu helay danbiyo dagaal.

"The New Somali Police Force Commissioner is a Somalian war criminal wanted by government of canada and Toronto-area police (...) he is wanted by the government of Canada for violating human rights under the Crimes Against Humanity and the War Crimes Act."

Dhanka kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa Dalka Kanada iskaga soo baxay kadib markii Qoysas uu Xiligii Kacaanka si xun u galay ay ku dacweeyeen Dalka Kanada, waxaana lagu heystaa in uu ku xadgubay Xuquuqda Aadanaha, amrayna in la dilo Dad Rayid ah.

Taliyaha ayaa waxa uu iibin jiray oo uu Lacag ku badalan jiray Dadkii "Kacaan Diidka" loo yaqiinay oo ku xirnaa Xabsiyadda, wuxuuna xiri jiray Ganacsatada diida Lacagta baadda.
Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliska ayaa timid kadib markii Labaad lasoo weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada