Video:- Naxdin leh oo laga soo duubay weerar Al-Shabab ay ku qaaday Kenya

Video:- Naxdin leh oo laga soo duubay weerar Al-Shabab ay ku qaaday Kenya

daajis.com:-Rag hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabaab ayaa shalay mar kale weerar ku qaaday deegaan ku yaala jaziiradda Lamu ee xeebta waqooyiga dalka Kenya.

War laga soo xigtay booliiska Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in illaa iyo tobaneeyo ruux oo hubeysnaa ay weerareen tuulo la yiraahdo Pandanguo oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Mpeketoni oo horey Al-Shabaab ay ugu dileen in ka badan 50 ruux.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaysa in kooxda weerarka qaaday ay qaataan hub yaalay illaa Sadex baqaar oo boolisku lahaa, islamarkaana ay magaalada badankeed gubeen.

Sarkaal la yiraahdo Kaviha Charo Karisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in kooxda hubeysan ee Al-Shabab lagu tuhmayo ay hub ka dhigis ku sameeyeen 6 askari oo saldhiga joogay kadibna ay qaateen dhamaan hubkii yaala dhismooyin magaalada ku yaalanna ay gubeen.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada