Kenya oo qabatay Markab ka shareecday Muqdisho oo looga shakisan yahay inuu waday Hub iyo daroogo.

Kenya oo qabatay Markab ka shareecday Muqdisho oo looga shakisan yahay inuu waday Hub iyo daroogo.

daajis.com:-Ku-simaha Boliska Gobalka Lamu, Sevelino Kubay ayaa sheegay inay baarayaan Markab wada xamuul sharci-darro ah, kaasi oo lagu qabtay meel ka baxsan Xeebta Lamu.

Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Alnuur ayaa la qabtay isagoo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Mombasa, kadib, markii ay Ciiddanka Badda ee Kenya heleen xog ku saabsan in labo markab oo ka soo shiracatay Dekedda magaalladda Muqdisho lagu tuhunsan yahay inay wadaan Shixnado ay ku jiraan daroogo ama hub.

Ku-simaha Boliska Gobalka Lamu, Sevelino Kubay oo u waramayey Idaacadda Capital FM ee magaalladda Nairobi ayaa sheegay in Markabka la qabtay markiisii hore ka soo baxay dalka Pakistan, ka hor inta uusan usoo shiraacanin Dekedda magaalladda Muqdisho lagu qabtay Badda Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray in Markab ilaalo xooggan laga hayo, kuna soo xirtay Dekedda Kilindini, waxayna Saraakiisha baarayaan Markabka oo Dukmentiga shixnadda uu wado muujinayso inuu wad shixnad shamiinto ah.

Shaqaaalaha Markabka ayaa sheegay inuu markabku wado 300 Mitirik tan oo shamiinto ay ka soo qaadeen dalka Yemen.

Madaxa Gobalka Lamu ugu qaabilsan Hawlaha Maraakiibta, Stanley Lamay oo u waramayey Wargeyska The Daily Nation ayaa xaqiijiyey in 10-shaqaale la socdaan Markabka, kuwaas oo 7 u dhalatay Pakistan, 2 Hindi ah iyo mid u dhashay Iiraan ,Shaqaalaha Markabka ayaa la xiray si su’aallo loo weydiiyo inta uu baaritaanka socdaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada