Khilaaf ka tagan qaabka loo xaqiijinayo Amaanka Madaxtoyada iyo AMISOM oo u Ololeyneyso in Ciidamada DFS halkaasi laga saaro

Khilaaf ka tagan qaabka loo xaqiijinayo Amaanka Madaxtoyada iyo AMISOM oo u Ololeyneyso in Ciidamada DFS halkaasi laga saaro

daajis.com:-Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxda sare DFS iyo Taliska AMISOM isku khilaafsan yihiin qaabka loo xaqiijinaayo Ammaanka Madaxtooyada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Taliska AMISOM ay wadaan qorsho lagu xaqiijinaayo Ammaanka Villa Somalia, ka gadaal markii uu faraha ka baxay Ammaanka madaxtooyada, waxaana la tilmaamayaa in AMISOM ay dooneyso in gabi ahaan la wareegto Xarunta Madaxtooyada, halka Madaxda Dowlada ay iyaguna ka biyo diidayaan in Ammaanka loo gacan galsho Amisom maadama aysan kala garaneynin Ciidamada.

Kulamo is daba-joog ah oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa leysku fahmi la’yahay in Ammaanka Madaxtooyada loo gacan galsho AMISOM waxaana arrintaasi walaac ka muujinaayo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo iyagu ku doodayo in la adkeeyo ammaanka howshuna ay sida caadi ah ku socto.

Madaxweynaha, RW iyo laamaha Ammaanka ayaa dhaliilsan qaabka ay AMISOM u xaqiijineyso Ammaanka, waxaana la rumeysan yahay in xiliyada weerarada ay badi Ciidamada AMISOM difaacdan Nafsadooda, halka kuwa Dowladuna ay dhiigooda u daadiyaan difaaca Madaxda Dowlada.

Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ayaa dhib isku qaba xiliyada Dagaalka iyo weeraradu dhacaan, waxaana lagu Eedeeya Ciidamada AMISOM inay laayan Ciidamada Dowlada Somalia maadama Kooxda Alshabaab ay wakhtiyada weerarka qaatan dareeska Ciidamada taasina ay sababta in AMISOM leyso gabi ahaan Askarta Dowlada ee xiligaasi ay ishoodu qabato, iyagoona ka baqanaayo inay ku noqdaan Alshabaab.

Lama saadalin karo sida ay Dowlada ka yeeli doonto codsiga kasoo baxaayo dhanka Taliska AMISOM ee ah in lagu wareejiyo gabi ahaan Ammaanka Villa Somalia wallow ay Dowladu kabiyo diidantahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada