Kooxo Hacker ah:- oo aan la garanayn oo jabsatay Twitterka wasaarada gaashaandhigga Kenya

Kooxo Hacker ah:- oo aan la garanayn oo jabsatay Twitterka wasaarada gaashaandhigga Kenya

daajis.com:-Bogga Twitterka ah ee ay isticmaalaan wasaarada gaashaandhigga Kenya ayaa koox aan la garanayn ay u dhacday isla markaana bilaabay in ay isticmaalaan.

Kooxdan la magac baxday aan la aqoon ayaa waxa ay fursad u heshay in ay jabsato Twitterka afhayeenka Milatariga dalka Kenya Major Emmanel Chirchir iyagoo ku qoray ereyo aan hore loogaga baran afhayeenka.

Fariimo ay ku qoreen kooxda bogga Twitterka afhayeenka ciidamada Kenya ayaa waxaa ka mid ahaa.“Saboolnimo badan iyadoo ka jirta Africa ayaad lacag badan.


Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in ay dib u soo celin doonaan bogaga laga jabsaday.gelineysaan hub iyo rasaas,”.

“Waxaan la xiriirnay shirkadda Twitterka hay’adaha ammaankana waa ay ogyihiin arrintan,”ayuu yiri Chirchir.

Sanadkii hore ayay koox aan la garanayn(Anonymous) waxay dhacday bogga wasaarada gaashaandhigga ee dalka Zimbabwe iyadoo sidoo kale sheegtay in ay dooneyso in ay jabsato bogga xisbiga xukunka dalka Koofrur Afrika hayo ee ANC.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada