WASIIR M. OLOW BARROW:- Badda Soomaaliya lama iibin ee warar been ah ayaa suuqa la geliyay"

WASIIR M. OLOW BARROW:- Badda Soomaaliya lama iibin ee warar been ah ayaa suuqa la geliyay"

daajis.com:-Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya Maxamuud Colow Barrow oo maanta muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa beeniyay wararka sheegayo in la iibiyay badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shir jaraa’idkiisa ku faahfaahiyay arimo badan oo ay ka mid yihiin badda Soomaaliya iyo in si sharci darro ah ay shirkado shisheeyo uga faa’iideeysteen kheyraadka badda Soomaaliya.

Maxamuud Barrow ayaa sheegay in arinta ku saabsan Badda Soomaaliya in la iibiyay ay tahay warkaasi mid ku turu ku teeno ah, isagoo tilmaamay wararkaasi ay suuqa gelinayaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

“ Badda Soomaaliya cid iibisay ma jirto lamana iibsan karo, badda xilligii gumeystaha uu dalka joogay ayaa la sameeyay xuduudda badda Soomaaliya” ayuu yuri.

Waxa uu tilmaamay in dadka baahinaya in la iibiyay badda Soomaaliya ay yihiin dad diidan jiritaanka dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in muddo 23 sano oo dalka uusan xasilneyn ay ka faa’iideysteen shirkado shishiyeen oo si sharci darro ah uga kalluumeystay badda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada