Madaxweyne Barack Obama oo waraaqihi aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Somaliya ee Mareykanka

Madaxweyne Barack Obama oo waraaqihi aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Somaliya ee Mareykanka

daajis.com:-Madaxweynaha wadanka Mareykanka Barack Obama ayaa waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalkaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake muddo 23 sano kadib.

Danjire Cumar Cabdirashiid ayaa shalay oo isniin ahayd hortagay aqalka looga arimiyo dalka Mareykanka ee White House (aqalka Cad), iyadoo waraaqihii aqoonsiga uu ka gudoomay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Madaxweyne Obama ayaa marki uu ka gudoomay waraaqihi aqoonsiga, kadib uu kulan la qaatay danjiraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Kulanka ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dalka ee Mareykanka iyo Soomaaliya, isagoo madaxweyne Obama danjiraha ka codsaday inuu la shaqeeyo, isagoona Obama si weyn usoo dhoweeyay danjire Cumar Cabdirashiid.

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa Obama uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu u dedijiyay in waraaqihi aqoonsiga uu ka gudoomo,waxaana Obama uu ii sheegay inuu fiirinayo ahmiyadda ay Soomaaliya ka leeyihiin ayuu yiri.

Danjre Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu xafiis cusub uu si KMG ah ugu sii shaqeyn doono inta Soomaaliya ay ka heleyso dhismo safaaradeed, maadama la iibiyay dhismihii safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd dalkaasi Mareykanka.


Waa safiirki ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Mareykanka, muddo 23 sano kadib, marki ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadi 1991.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada