Wasiirka arimaha dibadda Somaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Spain +Sawirro

Wasiirka arimaha dibadda Somaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Spain +Sawirro

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga H.E. José Manuel García-Margallo oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulanka labada Wasiir oo looga hadlay arrimo muhiim u ah danaha wadaagga ah ee labada dal , ayaa waxaa ka mid ahaa taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya , iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay sameeyaan iyo la dagaalanka argagaxisada.


Mudada uu kulanka socday , labada Wasiir Arrima Dibadeed , waxa ay is dhaafsadeen aragtiyadooda ku aadan xaaladaha iyo isbadalada Soomaaliya , gobolka iyo caalamka.

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Mr. Alberto Virella oo ah Agaasimaha Africa, Asia iyo Yurubta galbeed ee Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Spain (AECID) oo ay ka wada hadleen fulinta mashaariic horumarin, la dagaalanka saboolnimada iyo dejinta siyaasad cusub oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo wax wadaagga labada dal.



Wasiir Abdirahman D. Beileh , waxa uu sidoo kale kaga qeybgalay Magaalada Madrid kulan dood wadaag ah oo su’aalo lagu weydiiyay , kaasoo ay qaban-qaabisay Xarunta Cilmi baarista Spain ee Think Tank.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, iyadoo sidoo kale balaarisay xiriirka kala duwan ee kala dhaxeeya dowladaha , Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga , si indhaha caalamka ay u arkaan hanaanka qurxoon ee isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan , taasoo kordhisay in dowladaha iyo ururada caalamiga ay dib uga furtaan Safaarado iyo Xafiisyo Caasimadda dalka ee Muqdisho.







Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada