War Deg Deg ah:- Wiilashii dilay gabadhii ardayada aheyd oo goor dhow lagu fuliyay dil toogasho

War Deg Deg ah:- Wiilashii dilay gabadhii ardayada aheyd oo goor dhow lagu fuliyay dil toogasho

daajis.com:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya , ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay dambi la xariira in magaalada Muqdisho ku dileen Gabar u shaqeeneysay Hay'ad Turki ah oo lagu magacaabo Nafiso Salaad Cusmaan.

Dilka ay fulisay Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu saakay aroortii ka dhacay Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho.

Labada ruux ee dilka lagu fuliyay ayaa waxa ay ka dambeeyen dil barer cad oo ay u geysteen Allaha u naxariistee Nafiso Salaad Cusmaan oo ay xilli Habeen ah ay kala baxeen gurigeeda, iyagoona meel aan sidaa uga sii fogeyn ku toogtay Nafiso.

Nafiso Salaad Cusmaan oo aheyd Gabar ardayad ah, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dhex dilay marka ay Taariikhdu aheyd 5-Apriil, waxa ayna dilka Gabadhaasi ay Ciidamadda Ammaanka Dowladda Somalia usoo qabteen Saddex ruux oo labo ay yihiin kuwa saaka la toogtay, halka ruuxa kalena ay aheyd Haweenay lagu magacaabo Deeqo Diraac oo hada ku xukuman 15-sano Xabsi ciidan ah.

Dhanka kale, Dilka ayaa waxaa ka hadlay Liibaan Cali Yaroow oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida waxa uuna Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in la toogtay Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shataa) oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Nafiso Salaad Cusmaan.


Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in Ragan uu kusoo baxay dambiyo la xiriiray dilal kale oo ay horay ugu geysteen Ciidamo ka tirsanaa Dowlada iyo dad shacab ahaa, waxaana maanta labadaasi ruux dilkooda kasoo qeyb galay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada Federaalka Somalia.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada