Mike Tyson oo difaacay Qaniiyadii Suarez, muxuu yiri ?

Mike Tyson oo difaacay Qaniiyadii Suarez, muxuu yiri ?

daajis.com:-Feeryahanka caalamiga ah ee Mike Tyson ayaa difaacay weeraryahanka Liverpool iyo xulka Uruguay Luis Suarez oo ganaax waqti dheera kala kulmay xiriirka FIFA, kadib marki uu qaniinay daafaca xulka Italy Giorgio Chiellini kulan ka tirsan koobka aduunka 2014.

Mike Tyson wuxuu heystaa mid lamiida sumcadda Suarez, isagoo hada ka hor qaniinay nin ey wada feertamayeen, waxaana lagu tilmaamaa qaniiyadii ugu caansaneed ciyaaraha, isagoo qeyb kamida dhegta ciyaaryahankii la feertamayay goostay.

Mr Tyson ayaa u sheegay mid kamida shabakadaha “inuu fahamsanyahay sababta keentay qaniiyada Suarez, isago yiri ‘waxaa jirta mar korontada maskaxdu kaa tegeyso, waxaana laga yaabaa in markaas ey dhacaan wax yaabaha qaar.

Waxaa lagu tiriyaa Mike Tyson mid kamida feeryahanada soo maray caalamka kuwa ugu qatarsan, isagoo heysta rikoorka horyaalka ugu da’da yar ciyaarta feerka, isagoo 21-sano ku noqday horyaal.


Waxaa xusid mudan in Luis Suarez garoomada looga ganaaxay qaniiyadii Giorgio Chiellini mudo 4-bilooda, sidoo kale 9-kulan oo dowliya ayaa laga mamnuucay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada