MUJAAHIDIINTA:- Falastiniyiinta oo markii u horeysay adeegsaday gantaalada ridada dheer ee gaaraya 100km

MUJAAHIDIINTA:- Falastiniyiinta oo markii u horeysay adeegsaday gantaalada ridada dheer ee gaaraya 100km

daajis.com:-Dagaalyahanada Falastiniyiinta ayaa wali sii wada duqeymaha gantaalada, iyadoo ciidamada cirka Isra’iil ay ilaa xalay duqeymo cirka ah ka geysanayeen Marinka Qaza, halkaasoo lagu dilay dad badan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada kacdoonka wada ee Falastiniyiinta ay dhowr gantaal ku tuureen goobo u dhow magaalada Tel Aviv ee Caasimada Isra’iil.

Gantaaladan ridada dheer oo gaaraya ilaa 100km ayaa markii u horeysay ay adeegsadeen kooxaha wax iska caabinta, iyadoo dowladda Isra’iil ay xaqiijisay in gantaaladaas oo ay ka hortagtay.

Gantaalada ayaa mid ka mid ah waxaa uu ku dhacay magaalada Hadera, oo 100km u jirta waqooyiga maringa Qaza, waana gantaalkii ugu ridada dheeraa ee lagu gamo Isra’iil.

Diyaaradaha Isra’iil ayaa xalay duqeeyay ilaa duqeymo xad dhaaf ah u geystay Qaza, waxaana ay sheegeen inay beegsadeen dhowr bartilmaameed oo marinka Qaza ku yaal, ayna ku dileen tiro mintidiin ah.



Ilaa labaatan ruux ayaa ku dhimatay duqeymihii u dambeeyay ee ay Isra’iil ka fulisay Qaza, iyadoo xiisada ka taagan gobolka uu sii xoogeystay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada