Muungaab :- Askarigii dilo nin Shabaab ah iyo qofkii u soo sheega waa Ahlu Janno.

Muungaab :- Askarigii dilo nin Shabaab ah iyo qofkii u soo sheega waa Ahlu Janno.

daajis.com:-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa markale waxa uu ka hadlay dhibaatada ay Shabaabku ka wadaan Magaalada Muqdisho.


Gudoomiyaha waxa uu Shabaabku ku eedeeyay koox Khawaariij ah, wuxuuna ku baaqay in lagu soo qab qabto dagaalada ka dhan ah, laguna ciriiriyo wadooyinka ay adeegsanayaan.

“Al Shabaab waa Khawaariij, waa in lagu qab qabtaa dagaalada lagula jiro, waa in wadada lagu ciriiriyaa.” ayuu yiri Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa waxa kaloo uu sheegay in askarigii dilo nin ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo ruuxii u soo sheegaaba, ay labaduba yihiin Ahlu Janno, sida uu yiri.

“Askarigii dilo nin Shabaab ah iyo qofkii u soo sheega waa Ahlu Janno.” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray “Nimankaan Shabaabka iyo inta kale ee taageersanba deganaansho uma rabaan Magaaladaan, in la’iska dhiciyo ayay wax ku lee yihiin.”

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku taliyay cid kasta oo ka soo horjeedo Qaranimada iyo Dowladnimada ee Soomaaliya, in lala dagaalamo, oo la’iska qabtaa.

“Cid kasta oo ka soo horjeedo Qaranimada iyo Dowladda waa in la’iska qabtaa, in la’iska dhiciyo ayay wax ku lee yihiin.” Sidaasi waxaa yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Isagaa baaq u diraaya shacabka reer Muqdisho, ayuu yiri “Shacabka waxaan ugu baaqeynaa inaysan dhicin, inuu Shabaab dambe ka soo kuco guryahiina, oo dil uu geysto.”

Hadalkaan, ayaa wuxuu ka sheegay banaanbax ballaaran oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, loogana soo horjeeday Ururka Al Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada