Muxuu Mareykanka ka dhahay weerar VILLA Somalia??

Muxuu Mareykanka ka dhahay weerar VILLA Somalia??

daajis.com:-Dowlada Mareykanka ayaa saacado kadib ka hadashay weerarkii ciidamo ka tirsan Alshabaab ay xalay ku qaadeen xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.


Dowlada Mareykanka ayaa ugu horeyn sheegtay inay cambaareynayso dadkii ka dambeeyay weerarkii madaxtooyada, halkaasi oo ah xarun ay ku sugan yihiin masuuliyiinta ugu sareysa dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in tacsi ay u dirayaan ehelada dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkaasi ayaa dowlada Mareykanka waxay ku sheegtay inay qeyb ka tahay amni darada magaalada Muqdisho oo sii kordheysa iyo hanjabaadaha Alshabaab ee dhanka amaanka Muqdisho.

Sidoo kale mareykanka ayaa sheegay in taasi ay tahay sababta ay u taageerayaan dagaalada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, si loo kordhiyo amaanka iyo xasilinoonida Soomaliya.

Ugu dambeyn qoraalka Mareykanka ayaa sidii looga bartay waxay sheegtay inay garab taagan tahay shacabka iyo dowlada Soomaaliya, iyaga oo aan ka taageerin dhanka bixinta xogaha oo ay digniino kaliya kasoo saaraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada