News;- Iridka Madaxtooyada oo lagu qabtay gaari siday hub iyo jaakadaha xabadaha karin: Faah faahin

News;- Iridka Madaxtooyada oo lagu qabtay gaari siday hub iyo jaakadaha xabadaha karin: Faah faahin

daajis.com:-Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigay gaari siday hub kala duwan oo ku jiray jaakadaha aan rasaasta karin, gaarigaasi oo markii danbe ay la wareegeen ciidamada AMISOM.

Gaarigan iyo ninkii waday oo doonayay in ay galaan xarunta Madaxtooyada ayaa check pointiga laga galo waxaa ku qabtay ciidamada, markii la baarayna waxaa laga helay qoryo, bastoolado iyo jaakadaha aan xabadaha karin, taasoo tuhun badan ay dhalisay.

Gaarigan oo la qabtay duhurnimadii Axada ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa Qunsulka Safaaradda IGAD ee magaalada Muqdisho Jamaal Axmad, waxayna arintan tuhun weyn ku abuurtay saraakiisha dowladda, gaar ahaan Madaxtooyada.

Xiriir lala sameeyay Qunsulka xili uu ku sugnaa xarunta AMISOM ayuu sheegay in gaariga iyo hubka inuu isagu leeyahay, isla markaana hubkaasi loo waday xarunta IGAD.

Hase ahaatee arinta shakiga keentay ayaa ah sababta darawalka gaariga keligiis uu u aaday xarunta Madaxtooyada haddii loo waday xarunta IGAD.
Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay hubkii, gaarigii iyo ninkii waday, waxayna bilaabeen baaritaan arintan ku saabsan.

Dhanka kale waxaa jira tuhun ku aadan in ay jireen rag ku diyaarsanaa gudaha Madaxtooyada oo la doonayay in lagu wareejiyo hubka si ay qaraxyo iyo weeraro kaga geystaan gudaha xarunta Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha uu degan yahay.

Sideedii bishan ayey aheyd markii weerar qorsheysan lagu qaaday gudaha xarunta Madaxtooyada Somalia xili uu ka maqnaa Madaxweynaha, balse uu ku sugnaa Ra'iisul Wasaaraha, lana sheegay in la doonayay in isaga lagu dilo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada