Nin Shacab ah oo gaarigiisa loogu xeray miino, kuna qaraxday

Nin Shacab ah oo gaarigiisa loogu xeray miino, kuna qaraxday

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa bilowday in dadka rayidka ah ee isticmaala gaadiidka u gaarka ah ugu rakiba waxyaabaha qarxa, kadibna qarxiya marka ay ag marayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qorshahan oo mudooyinkan ku cusub Muqdisho iyo gobolada kale ayaa waxaa u danbeeyay galabnimadii Talaadadan {0107-2014}, waxaana nin shacabka degmada Afgooye ka tirsan gaarigiisa loogu xeray miino, taasoo la qarxiyay xili uu ka gudbayay Kontoroolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye.

Milkiilaha gaariga oo lagu sheegay nin shacab ahaa, ayaa waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaasi, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay nin kaloo rayid ahaa, oo wadada maraayay.

Dhacdadan ayaa ah mudooyinkan danbe kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ay Dowladda Soomaaliya ka taliso, waana tab cusub oo Al-Shabaab u adeegsaneyso iney ku dhibaateyso dadka.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada