QARAX:- Faah-Faahin dheerad ah oo kasoo baxeyso Qaraxii goor dhow lala Eegtay Mungaab

QARAX:- Faah-Faahin dheerad ah oo kasoo baxeyso Qaraxii goor dhow lala Eegtay Mungaab

daajis.com:-Warar dheeraad ah oo naga soo gaarayo dhanka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab uu ka dhacay Nawaaxiga Hoteelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho.

Xiliga Qaraxa lala eeganaayay Gaadiidka ayaa waxaa la sheegayaa inuu la socday Guddoomiyaha Gobolka,iyadoona ay wararku sheegayaan in Qaraxa uu haleelay wajiga hore gaariga uu la socday Guddoomiyaha, sida laga soo xigtay dad goob joog ahaa.

Qaraxa oo aad u weynaa ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso.

Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Qaraxa kadib Warbaahinta u xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Muungaab uu Qaraxa ka bad-baaday xiligaana uu badqabo.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in qaraxaasi uu ahaa miino dhulka lagu aasay wax khasaaro ahna uusan ka dhalan, islamarkaana Guddoomiyaha uu bad-qabo caawana uu ku afuray Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Degmada Heliwaa.

Sidoo kale Qaraxa Muungaab lala eegtay wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah kama dhalan, sida uu Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir xaqiijiyay.

Dhanka kale, Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaayo in Qaraxa kadib Guddoomiye Mungaab halkaasi looga qaaday Gaari nooca Cabdi bilaha ah oo lagu geeyay Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoona Halkaasi laga jiiday Gaarigii uu saarnaa oo bur-bur soo gaaray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada